Fana: At a Speed of Life!

dalkan Itoobiya oo laga Xusay sannad-guuradii oo ee kasoo wareegtay markii ay TPLF weerarka bahalnimada ah kusoo qaadday ciidamadii Qaranka ee waqooyiga dalka

Addis Ababa,NOV 03,2021 (Diqimti 24,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Waxa maanta meelo kala duwan oo dalka ka kamid ah laga xusay sannadkii guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii ciidamadaii qaranka ee ku sugnaa fadhiisinka waqooyi  ee dalka ay TPLF  weerar bahalnimo ah kusoo qaadday.

Xuska sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dhacdadan oo ku beegnayd maanta waxa kasoo qaybgalay masuuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaaraha JDFI dr.Abiy Axmed ,Marwada koowaad Sinaash Tayaajaw ,taliyaha ciidamada qalabka sida Janaraal Birahaanu Jula,wasiirka  gaashaandhiga Dr.Abraham Belay waxaana halkudhig lagu xusayo maalintan looga dhigay ‘’ anigu waxaan ahay ciidanka Itoobiya oo ilaawi maayo’’

Waxaana goobta lagu xusayay munaasibadaasi loogu baroor diiqayay gumaadkii loo geystay ciidamadii ku sugnaa fadhiisinka waqooyi muusik kusoo bandhigay kooxda muusikada ee ciidamada difaaca qaranka ,iyada oo weliba goobtaas lagu shiday shamac islamarkaana loo aamusay hal daqiiqo oo lagu muujinayay murugada iyo xusuusta ciidankaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.