Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya oo maalintii labaad diiwaangeliyay kiisaskii dhimashada feyraska ee ugu badnaa

Addis Ababa Aug 3, 2020 (Hamle 27,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa ay kor u sii kacayso tirada kiisaska feyraska ee dalkan Itoobiya ayaa ay Wasaaradda Caafimaadku warbixinteedii maalin laha ahayd ku diiwaangelisay 583 xaaladood oo cusub oo feyraska koroona ah ,24kii saacadood ee la soo dhaafay ka dib markii baadhitaan sheybaadh la mariyay 6,907 qof.

Geesta kale, Wasaaradda cafimaadka ayaa maalintii labaad diiwaangelisay tiradii ugu badnayd ee u dhimata feyraska koroona iyada oo ay maanta u dhinteen 26 ruux halka shalayna la diiwaangeliyay 28 u dhintay feyraska ilaa haddana waxa feyraska karoona u nafwaayay 336 qof.

Tirada guud ee feyrasku ku dhacay guud ahaan dalka ayaa hadda ku taagan19,289.

Dhanka kale ,Wasaaradda Caafimaadka ayaa diiwaangelisay 330 qof oo ka kacay feyraska(bogsaday) 24-kii saacadood ee la soo dhaafay kana dhigay tirada guud ee ka caafimaaday feyraska 7931.

Dadka ku jira qaybta xaaladda ildarnaanta ah (aadka u xanuunsanaya) ayaa iyana dhan 145 ruux halka guud ahaana ay xanuunka u jiifaan (uu hayo) 11,020.

Ilaa hadda dalkan Itoobiya ayaa baadhitaan sheybaadh ku sameeyay 444,226 qof.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.