Fana: At a Speed of Life!

Danjire Dina Mufti oo kawarbixiyay socdaalladii u dambeeyay qaar kamid ah Dublamaasiyiinta Itoobiya ku marayeen dalal kala duwan oo caalamka ah

Addis Ababa,DEC 23,2021 (Tihsas 14,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya oo ka warbixisay socdaalladii u dambeeyay ee madaxda Itoobiya ku marayeen qaar ka mid dalalka caalamka, ayaa waxa ay ku tilmaantay kuwo wax-ku-ool ah.

Af-hayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda, Danjire Dina Mufti oo maanta soo saaray war-saxaafadeedkiisii toddobaadlaha ahaa ayaa waxa uu inta badan diiradda ku saaray dhaqdhaqqayadii dhanka dublamaasiyadda ee la sameeyay toddobaadkii hore.

Waxaana intiii madaxda Itoobiya ku sugnaayeen dalalkii ay u socdaaleen kulamo wax-ku –ool ah la qaateen dhigaggooda,iyaga oo iska xog-waraystay xaaladda hadda ka jirta Itoobiya iyo xidhiidhada ay Itoobiya la leedahay dalalkaasi.ayuu warbixintiisa ku sheegay Af-hayeena Dina Mufti.

Danjire Dina waxa kale oo uu ka hadlay kulankii gaarka ahaa ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay iyo samaynta guddi khubaro ah oo caalami ah oo u qaabilsan Itoobiya.

Waxaana uu sheegay in Itoobiya ay si cad u sheegtay in go’aankaasi uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana aysan la shaqeyn doonin hannaanka loo qorsheeyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.