Fana: At a Speed of Life!

Dawladaha Itoobiya iyo Netherlands oo kala saxeexday heshiis deeq lacageed ah oo ku kacaya15.96 Milyan oo Euro.

Addis Ababa Jul 25,2020 (Hamle 18,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Dawladaha Itoobiya iyo Netherlands ayaa kala saxiixday heshiis deeq ah oo gaadhaya 15.96 Milyan oo Euro oo loogu talagalay in lagu maalgeliyo mashruuca muuqaal qurxinta Kunzila iyo WASH.

Xoojinta maareynta biya-dhaca(ilaha biyaha) ee bulshada , hagaajinta waxsoosaarka beeraha iyo hab-nololeedka, kor u qaadista koboca ururada ee bulshada ayaa ka mid ahaa hawlaha mudnaanta uu siinayo mashruuca in lagu maalgeliyo deeqda.

Waxaa sidoo kale looga golleeyahay in lagu maareeyo kheyraadka dabiiciga ah oo qaab waara oo loo hirgaliyo iyo hirgelinta qorshayaasha biyaha miyiga iyo magaalooyinka iyo nadaafadda.

Mashruucan waxaa fulin doona iskaashatooyin ka kooban WLRC oo ka socota Jaamacadda Addis Ababa iyo SNV, oo socota Deegaanka Amxaarada.

Ujeeddada guud ee mashruucu waa in la bixiyo taageero maaliyadeed iyo mid farsamo si ay gacan uga geysato in dad badan Deegaanka Amxaarada ku dhaqan laga taageero dhaqaale ahaa iyo Caafimaadkaba.

Sida lagu sheegay bayaanka Wasaaradda Maaliyadda, Mashruucu waxa si gaar ah loogu talo galay in lagu hagaajiyo waxsoosaarka beeraha oo ay ka faa’idaysanayaan 22, 000 oo qof, waxa iyana shaqo abuur loogu samaynayaa ugu yaraan 750 dhalinyaro ah, iyo sidii ay biyo nadiif ah ay u heli lahaayeen 22,058 qof oo miyiga ku dhaqan iyo 9,529 ah dadka magaalada ku dhaqan iyo sidoo kale xoojinta koboca ururada ee bulshada .

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda JDFI
Axmed Shide, iyo Thijs Woudstra, oo ka socotay Safaaradda boqortooyada Netherlands ku leedahay Itoobiya, ayaa kala saxeexday heshiiskan iyagoo wakiil ka ah dalalkooda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.