Fana: At a Speed of Life!

Dawladda Shiinaha oo Shixnaddii saddexaad oo agab caafimaad ah ugu deeqday dhigeedda Itoobiya

Addis Ababa Aug 27, 2020 (Nehaase21,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Dawladda Shiinaha ayaa dhowaan ku deeqday shixnaddii saddexaad ee agab caafimaad ah, si ay uga caawiso dalkan Itoobiya xakamaynta faafidda caabuqa COVID-19.

Agabkan deeqda ah ayaa waxa uu isugu jiraa 500,000 ah maaskarrada(Af-daboolka) qalliinnada lagu fuliyo, 65,000 oo af-daboolka ilaaliyahaha caafimaadka qofka ah ,10,000 oo ah dharka gaashaanka u ah hawl-wadeennada caafimaadka  iyo kumanaan gacmo-gashi, indho-dabool iyo kabaha gaashaaman.

Sida lagu sheegay bayaan ay safaaradda Shiinaha maanta la wadaagtay hay,adda warbaahinta FBC, deeqda waxa ay wax ka tari (xoojin) doontaa ka hortagga faafitaanka masiibada feyraska ee bulshada Itoobiya .

Tan iyo markii kiiska ugu horreeyay ee COVID-19 laga xaqiijiyay gudaha Itoobiya qiyaastii badhtamihii bishii maarso, dawladda Shiinaha iyo bulshada ganacsatada ah ee shiinuhu waxay siiyeen taageero farsamo iyo mid qalab si kor loogu qaado awoodda Itoobiya ee la tacaalidda cudurka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.