Fana: At a Speed of Life!

Deegaanka Shucuubta Koonfureed oo shacabka Deegaanka Soomaalida ugu deeqay aduun lacageed oo dhan 15 milyan oo birr

Addis Ababa,Jan 20,2022 (Dir 12,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Weftigii kasocday deegaanka Shucuubta Koonfureed (Dhabuubta) ayaa xukuumada deegaanka Sommaalida ku wareejiyay deeq lacageed dhan 15 milyan (15,000,000) oo birr oo ay ugu talo’galeen in ay kaga qaybqaataan gurmadka loo fidinayo shacabka ay abaaruhu saameeyeen ee Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa dhigiisa Deegaanka Shucuubta Koonfureed, mudane Ristu Yirdhow uga mahad-naqay taageerada ay usoo muujiyeen shacabka Deegaanka, waxa uuna Madaxweynuhu xusay in xukuumadda Deegaanka oo kaashanaysa qurbajoogta iyo qaybaha kala-duwan ee bulshada la wado jawaab-celin dhinaca gurmadka abaaraha ah.

Mudane Ristu Yirdhow, Madaxweynaha Deegaanka Shucuubta Koonfureed ayaa geestiisa sheegay in taageeradani ay muujinayso midnimada, is-jacaylka iyo walaalnimada ka dhaxaysa shucuubaha Dalka, muhiimna ay tahay in wakhtiyada adag garab la isku noqdo.

Deegaannada dalka ayaa wakhtigan adag muujiyay garab-istaagidda shacabka Deegaanka Soomaalida ee ay abaartu saamaysay, taasi oo muujinaysa is-caawinta iyo isu-danqashada shucuubaha reer Itoobiya ee wakhtiyada adag.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.