Fana: At a Speed of Life!

Deegaanka Soomaalida oo laga beeray dhir gaadhaysa 9.6 milyan oo geed

Addis Ababa,Aug 03 ,2021 (Hamle 27,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guud ahaan Deegaanka Soomaalida waxaa laga beeray dhir gaadhaysa 9.6 milyan oo geed.

Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Deegaanka, Keymaha Iyo Isbaddalka Cimilada DDS oo SRTV u warramay ayaa sheegay in sannadkan guud ahaamba Deegaanka Soomaalida laga beeray dhir gaadhaysa 9.6 milyan oo ka mid ah qorshihii guud ee barnaamijka cagaarinta, kaa soo ahaa in sannadkan la beero dhir gaadhaysa 10 milyan oo geed.

Mudane C/qaadir Maxammed, wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Deegaanka, Keymaha Iyo Isbaddalka Cimilada DDS ayaa sheegay in 24-ka bisha hamle guud ahaamba Deegaanka laga beeray in ka badan 2 milyan oo geed, islamarkaana ay ol’olahani ka qeyb-qaateen dhammaan masuuliyiinta Deegaanka, kuwa gobollada, degmooyinka, maamul magaalooyinka iyo guud ahaamba shacabka Deegaanka Soomaalida.

Ugu dambayn, wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Deegaanka, Keymaha Iyo Isbaddalka Cimilada ayaa sheegay in cid walbe lagu la xisaabtami doono dhirta uu beeray.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.