Fana: At a Speed of Life!

Deegaanka Soomaalida yeelanaya Bankigii ugu horreeyay ee Soomaali leedahay

Addis Ababa,DEC 25,2021 (Tihsas 16,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Maareeyaha hay’adda adeega lacaga yaryar ee Soomaalida, khadar Cabdi ayaa sheegay in dhawaan ay daah-furidoonaan Bankigii ugu horreeyay ee Soomaali leedahay oo lagu bilaabayo adduun lacageed oo dhan 540 Milyan oo Birr.

“Waxa aan dhawaan daaha ka rogi doonnaa bangigii ugu horreeyay ee ay Soomaali leedahay oo ku bilaabanaya hanti lacageed oo dhan 540 milyan oo Birr iyo saami ay ku leeyihiin 89 qof”, ayuu yidhi maareeyaha hay’adda adeegga lacagaha yar-yar ee Soomaalida, Khadar Cabdi.

Hay’adda adeegga lacagaha yar-yar ee SMFI ayaa iyada oo raacaysa xeerka bangiga qaranka ka soo baxay ee u ogolaanayay in microfinance-yadu ay isku baddeli karaan bangi ayay hay’addu billowday hawshii u-guuritaanka bangiga, kaddib markii ay buuxiyeen shuruudihii la hor dhigay; waxaa sidaasi shir-jaraa’id oo uu qabtay ku yidhi mudane khadar Axmed Cabdi, maareeyaha hay’adda adeegga lacagaha yar-yar ee SMFI.

Shirkan jaraa’id oo ka dhacay xafiiska bangiga Shabeelle ee magaalada Jig-jiga ayuu masuulku ku sheegay in tan iyo intii la aas-aasay hay’addan sannadkii 2011-kii illaa hadda isbaddello ay ka sameeyeen dhanka macaamiisha oo ay leedahay macaamiil dhan illaa 1,500,000, oo qof; kuwaas oo ku macaamiisha adeegga Hello-cash, keydsiga iyo macaamiisha maal-gelinta, laguna bixiyay adduun lacageed oo dhan 3.3 bilyan oo Birr dad gaadhaya illaa 61,000 oo qof shirkad iyo shakhsiba.

Masuulku waxaa kale oo uu sheegay in waaxaha ay maal-gelinta ka sameeyeen ay kala yihiin:Warshadaha yar-yar ,Xoolaha,Beeraha ,Dhismaha,Ganacsiyada yaryar,Gaadiidka,Waxbarashada iyo8. Caafimaadka i.w.m.

Dhinaca kale ee isbaddellada ay samaysay muddadaas ay jirtay ayaa wuxuu masuulku sheegay in ay hay’addu ku biirtay nidaamka isku-xidhka adeegyada maaliyadeed ee loo yaqaanno afka-qalaad “National Buyment System”, taas oo hay’adda ka dhigaysa hay’addii lacagaha yar-yar ee ugu horreysay ee ku biirta nidaamka Somali Micro-finance Joins EthSwitch, iyada oo adeegsanaysa bangiyo ay ka mid yihiin CBE, Awash, Wegagen, Abyssinia, Dashen i.w.m.

Adeegyada kale ee ay hay’addu billowday ayaa waxaa ka mid ah; adeegga lacag la-bixidda ATM-ka Abysinia, kaas oo ah adeeggii ugu horreeyay ee noociisa ah ee waddanka laga hirgeliyo (Card less Service).

Ugu dambayntiina, wuxuu xusay in ay wadaan dadaal lagu uruurinayo gargaarrada gurmad ee abaaraha oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan.

Xigasho:SRTV Somali

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.