Fana: At a Speed of Life!

Donald Trump oo aan weli nafisin

Addis Ababa,Feb 16, 2021 (Yekatit 09,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Afhayeenka aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa sheegtay inay hirgelin doonto guddi ka madaxbanana gollahaas oo baadhitaan ku sameyn doonaa weerarkii horraantii bishii Janaayo ee sanadkan lagu qaaday aqalka Capitol, weerarkaas oo ay qaadeen taageerayaasha madaxweyne Trump.

Warqad ay u qortay xildhibaanada aqalkaas ayay Pelosi ku sheegtay in guddigaas uu u shaqeyn doona oo uu baaritaanka u sameyn doona si lamid ah sidii weerarkii labaatan sano kahor lagu qaaday daarihii dhaadheeraa ee ganacsiga ee dalka Mareykanka.“Waa khasab in la ogaadaa xaqiiqda ah wixii dhacay”, ayay tidhi Pelosi.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump oo lasoo golle-joojiyay aqalka sare ee dalka Mareykanka ayaa lagu waayay dembi ah in uu ka dambeeyay weerarkii gacan ka hadalka ahaa ee lagu qaaday aqalka Kongreska, haseyeehsee qaar kamid ah xubnaha Jamhuuriga iyo kuwa dimuqraadiga ayaa taageeray in guddi madax-banaan uu baaritaan ku sameeyo weerarkii dhacay ee ay ku dhinteen dad gaaraya 5 qof.

Guddiga ayay sheegtay “in uu baadhitaan ku sameyn doona weerarkii dhacay, faragelinta uu Trump ku sameeyay in si nabad uu xilka ku wareejiyo iyo sidii ay booliska aqalka Capitol iyo lamaaha amniga ay ugu diyaarsanaayeen weerarka, wixii kasoo baxa baadhitaankana ay kusoo wargelin doona aqalka”.

Waxaa kale oo ay sheegtay in ayadoo laga duulayo baadhistii horudhaca ahayd ee Jeneraal Gen Honoré uu Kongreska u baahan yahay in dhaqaale dheeraad ah, si loo xaqiijiyo amniga gollaha iyo xubnaha.

Madaxweyne Trump ayaa markii labaad taariikhda Mareykanka ka badbaaday dacwad gallaafan lahayd mustaqbalkiisa siyaasadeed kadib markii la waayay tiradii loo baahnaa si dacwadda lagu soo oogay ay ansax u noqoto.

Golle-joojinta Trump ayaa waxaa taageeray toddobo kamid ah xubnaha xisbigiisa Jamhuuriga, taas oo keentay in isla xisbigaas ay ku kala qeybsamaan arrintaas.

Senetar Mitch McConnell oo katirsan xisbiga Jamhuurihga ayaa diiday dacwadda lagu soo oogay Trump inkastoo markii ay dhamaatay uu dib ka sheegay in madaxweynihii hore uu mas’uul ka ahaa weerarkii lagu qaaday aqalka Kongreska.

“Madaxweyne Trump wali waxaa uu mas’uul ka yahay waxwalba oo uu sameeyay intii uu xafiiska joogay,”, ayuu yiri McConnell.

Qaar badan oo kamid ah xildhibanaada xisbiga madaxweyne Trump oo uu kamid yahay ninka ay aadka isugu dhawaayeen, Lindsay Graham ayaa taageeray qorshaha ay soo jeedisay Pelosi e ah hirgelinta guddi madaxbanaan.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.