Fana: At a Speed of Life!

Dowladda Itoobiya oo ka tacsiyadaysay dilkii loo geystay saddex ka mid ah shaqaalaha dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ee ku sugnaa goobaha  ay ku xooggan yihiin kooxda argagixisada ee TPLF

Addis Ababa,June 26, 2021 (Senee 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dowladda Itoobiya ayaa ka tacsiyadaysay dilkii loo geystay saddex ka mid ah shaqaalaha dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ee ku sugnaa goobaha ay ku xooggan yihiin kooxda argagixisada ah ee TPLF ee deegaanka  Abi Adi, ee Tigray-ga.

Mid kamid ah dhibanayaashaas ay laysay kooxda TPLF ayaa u dhashay daIka Spain, halka labada kalena ay yihiin muwaadiniin Itoobiyaan ah.

Dowladda Itoobiya ayaa dhowr jeer ugu baaqday shaqaalaha hay’adaha samafalka ee ka hawlgala deegaankaas in ay la socdaan ciidan milatari ahi xilliga ay ka howlgalayaan aagaggaas, si looga fogaado dilalka foosha xun ee geysan karto kooxda TPLF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.