Fana: At a Speed of Life!

Dowladda Jaban oo barakacayaasha Qoloji ugu deeqday 40 Milyan oo Birr.

Addis Ababa,Mar 17, 2021 (Megabit 08,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe muxumed Cumar, oo ay weheliyaan masuuliyiin heer Deegaan ah ayaa kuqaabilay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-Waal, Safiirka wadanka Jaban ufadhiya Itoobiya Marwo Ito Takako iyo Worknesh mokonnen oo ah agaasimaha Xafiiska Qarramada Midoobay ee adeegyada mashaariicda Itoobiya, Sudan Iyo Jabuuti(UNOPS)ahna wakiil kasocotay Midowga Africa(A.U).

Soodhawayn kadib Marti sharafta oo warbaahinta kula Hadlay qolka nasashada ee garoonka ayaa Sheegay in ujeedada imaatinkoodu uu yahay sidii Jaban iyo Xukuumada Deegaanku ay iskaga kaashan lahaayeen qaabkii lagu horumarin lahaa nolosha barakacayaasha Qoloji, gaar ahaan dhinacyada biyaha iyo caafimaadka.

Kullamo ay wadaqaateen masuuliyiinta iyo waftiga ay hogaaminaysay Safiirka Wadanka Jaban ufadhiya Itoobiya kadib ayaa waxa ay xukuumada Deegaanka ugu deeqeen 40 milyan oo birr oo ah deeq katimid wadanka Jaban oo loogu talogalay in lagu caawiyo barakacayaasha kunool Qoloji .

Lacagtani 40ka milyan ah ee loogu fulin doono adeegyada biyaha iyo fayo-dhawrka caafimaadka ee barakacayaasha Qoloji ayuu Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ubalanqaaday in 5 barri kadib ay xukuumadu gaadhsiin doonto “Qoloji” maanta oo ay balantu fushayna ay kubeegantahay wakhtigii uu madaxwaynuhu labalamay shacabka Qoloji.

Waxaa xusid muddan in safiirka wadanka Jaban ufadhida itoobiya Marwo Ito Tokako ay tahay markii 2aad ee ay soogaadho Deegaanka Soomaalida iyadoo markii hore ay weheliyeen safiiro kale iyo hay’ado deeq’bixiyayaal ah, islamarkaasina ay xukuumadu gaysay xiligaasi waftiga tuulada Qoloji, si Indhaha caalamku ay u arkaan barakacayaasha kunool Qoloji iyo baahiyahooda,taasi oo hada kaliftay in wadanka Jaban ay 40milyan ugu deeqaan barakacayaasha Qoloji.

SRTV Rasmi page

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.