Fana: At a Speed of Life!

Deegaanka Axmaarada oo calaf xoolaha ah ugu deeqay gobollada ay abaaruhu saameeyeen ee deegaanka Soomaalida

Addis Ababa,FEB 02,2022 (Dir 25,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Deegaanka Axmaarada ayaa calaf xoolaha ah ugu deeqay gobollada ay abaaruhu saameeyeen ee ka tirsan deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha deegaanka Axmaarada Dr. Yilkal Kefale ayaa sheegay in ay iska kaashan doonaan sidii loo xalin lahaa dhibaatada abaareed ee soo foodsaartay deegaannada Soomaalida.Wuxuu xasay in deegaanka Soomaalidu uu garab taagnaa waqtigii ay dhibaatadu lasoo deristay deegaanka Amxaarada.

”Waxaa loo baahan yahay in si wada jir ah wax looga qabto; maxaa yeelay deegaanka Soomaalidu waxa uu ku baaqay in looga soo gurmado abaarta maadaama ay ina wada saamaynayso dhammaanteen.Waxa aynu isgarabsanaynaa xilliyada adag; “Taageeradaasi, waxa ay muujinnaysaa midnimadeena”. ayuu yidhi.

Waxaana uu bogaadiyay dadaallada ay deegaanka Soomaalidu ugu jiraan badbaadinta nolosha dadka ku dhaqan  gobollada ay abaaruhu ku dhufteen.

Madaxweynaha  DDS Mudane Mustafe Muxumed ayaa dhankiisa sheegay in taageeradii ay la garab istaageen deegaanka Amxaarada xilligii ay soo weerartay kooxda argagixisada ah TPLF inkastoo laga adkaaday ay muujineyso midnimadooda iyo wadajirkooda.Madaxweyne Mustafe ayaa garab istaaggaa uga mahad celiyay dawlad deegaanka Amxaarada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.