Fana: At a Speed of Life!

Fal Toorrayayn ah oo ka dhacay magaalada Birmingham ee Ingiriiska

Ababa Sep 6, 2020 (Baagume 1,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Dhowr qof ayaa lagu toorriyeeyey badhtamaha magaalada Birmingham iyada oo ay booliskuna dhacdadaasi ku tilmaameen ‘dhacdo weyn”.

Booliska West Midland waxay sheegeen warka ku saabsan werarkaasi inuu soo gaadhay qiyaasti 12:30 fiidkii xilliga magaaladaasi, iyada oo waxyar ka dibna la soo sheegay weerar middiyo oo kale iney dhaceen.

Booliska magaalada Birmingham uu weerarka ka dhacay waxay sheegeen “tira dad ah iney weerarkaasi ku dhaawacmeen” balse ay hadda sheegi karin dhaawacyadaasi sida ay kala yihiin.

Duqa magaalada West Midland Andy Street wuxuu sheegay dhacdada iney xidhiidh la leedahay tii ka dhacday waddada Hurst Street in la eegi doono.

Wuxuuna sheegay ilaa iyo hadda inaan la garan ujeedka weerarkaasi laga lahaa. Maanta ayaana la filaya booliska iney faahfaahin ka bixiyaan dhacdadaasi.

Dhacdada oo ay booliska ku tilmaameen mid weyn waxay sheegeen arrimaha noocan ah iney amniga bulshada khatar gelinayaan.

Duqa magaalada, Andy Street wuxuu sheegay taliyaha booliska inuu sharraxaad ka siiyeey wixi dhacay uuna u sheegay ‘dhacdada ugu weyn ee aan kala joogsiga lahayn iney ka dhacday agagaarka waddada Hurst.

Wuxuuna intaa ku daray: “Weerarkaasi ujeedka laga lahaa ilaa iyo hadda iey caddeyn. Aagga ay wax ka dhaceenna waxay ahaayeen kuwa xasiloon dadkuna waxaa loo sheegay iney danahooda gaarka ah ku mashquulaan iyaga oo taxaddar mujinaya.”

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah iyo laamaha amaanka ayaa dhacdadan ka wada shaqeynaya, iyaga oo dadki dhawacmayna la gaadhsiiyey cusbitaallada si loogu dabiibo.

“Waxaana weli socda dadaallo lagu ogaanayo wixi dhacay, taasoo wakhti qaadaneysa in la ogaado wixi dhacay oo dhan.”

“Balse hadda lagama sii hordhici karo wixi dhacay iyo waxa sababay dhacdadaasi.”

Xilliga ay dhacdadaasi dhaceysay dad badan ayaa goobaha lagu caweeyo ku sugnaa iyaga waddooyinka ku caweynayey maadaamaa weli aan la qaadin xayiraadihi ka dhashay Faayraska Corona.

Xigasho:BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.