Fana: At a Speed of Life!

Golaha Amniga dalka JDFI oo kulan degdeg ah isugu yimid

Ababa Sep 9, 2020 (Baagume 4,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Golaha Amniga Qaranka ayaa dajiyay qorshe mustaqbalka ah ,kadib markii ay wadaxaajood ka yeesheen xaaladda arrimaha amniga qaranka ee xilligan.

Kulan ay yeesheen subaxnimadii maanta, Goluhu waxa uu si faahfaahsan dib u eegis ugu sameeyay  khatarro dhanka amniga qaranka oo laga hortagay iyo kuwa kale oo sababay waxyeello.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay  xafiiska Ra’iisul Wasaaraha JDFI, Goluhu waxa uu ka dooday sidii si wadajir ah loogaga hortagi lahaa khataraha kusoo waajahan amniga dalka.

Dhanka kale,kulankan ayaa waxa lagu gorfeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida dalka, ilaalinta nabadda iyo ilaalinta sarraynta sharciga.

Goluhu waxa uu sheegay in ciidamada difaaca qaranka iyo dhamaan laamaha amniga ay sare u qaadi doonaan dadaalkooda ku aadan difaaca qaranimada dalka, ilaalinta nabada iyo hubinta ku dhaqanka sharciga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.