Fana: At a Speed of Life!

Golaha Amniga iyo nabadgelyada ee midowga Afrika oo kulan wadatashi ka yeelanaya xaaladaha cakiran ee ka taagan dalalka Chad iyo Somaliya

Addis Ababa,Apr 22, 2021 (Miyasiya 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha Amniga iyo nabadgelyada ee midowga Afrika ayaa lagu wadaa in uu kulan wada tashi ah ka yeesho xaaladdaha cakiran ee waqti-xaadirkan ka taagan waddamada Chad iyo Somalia .

Ajandaha kowaaad ee uu midowga Afrika kulankiisan wadatashiga ah uu mudnaanta kowaad kusiinayo ayaa ah sidii wax looga qaban lahaa ismaandhaafyada iyo farqiga dhinaca talada maamulka wadanka Chad ,oo ka dhashay geeridii dhowaan ku timi madaxweynihii dalkaasi Idiris Deby oo u dhintay dhaawac kasoo gaadhay xilli uu ka qeyb qaadanayay dagaal ay dowladdu kula jirtay jabhada falaagada ah oo ka socday waqooyiga dalka.

Qodobka 2aad ee Midowga Afrika kulankaas diiradda ku saarayo aayaa la xidhiidha walaaca iyo ismaandhaafka xooggan ee ka dhashay muranka dhinaca dhoorashooyinka madaxtinnimada ee dalka Soomaaliya ,kaas uu oo  barlaamanka federaalka Soomaaliya uu dhowaan muddo kordhin labo sano ah ugu sameeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.