Fana: At a Speed of Life!

Golaha federeeshinka oo ugu baaqay qaybaha ay khusayso in ay kaso baxaan mas’uuliyadooda ku waajahan doorashada

Addis Ababa,Apr 27, 2021 (Miyasiya 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha federeeshinka ayaa ugu baaqay qaybaha ay khusayso in ay kaso baxaan mas’uuliyadooda ku waajahan doorashada ,si ay doorashau u noqoto mid nabadgelyo iyo si dimuqraadi ah ugu dhacda.

Af-hayeenka Golaha federeeshinka Mudane Aadan Faarax ayaa waxa uu dhinacyada ay khusayso doorashada heer qaran ee 6aad ugu baaqay in ay kasoo dhalaalaan gudashada waajibaadkooda ku aadan doorashada ,si ay u noqoto mid caddaalad,nabadgelyo, iyo dimuqraadiyadi ku dheehantahay.

Isaga oo hadalkisa sii wata ,ayaa waxa uu dhammaanba qaybaha ay khusay ugu ku boorriyay ,in nabadgelyada,dimuqraadiyada iyo caddaalada doorashada ay ku kasbadaan kalsoonida dadweynaha.

Si ujeedadaa looga lib-keenana ,waxa u xil ka saranyahay ayuu yidhi, marka laga reebo  howlaha kala duwan ee ay fulinaso Guddiga doorashooyinka Qaranka(NEBE) ,dhinacyada dowladda iyo xisbiyada siyaasadeed ee ku tartamaya doorashada.

Wakaalada wararka ee Itoobiya ,oo aanu kasoo xiganay warbixintan ,ayaa mudane Aadan Faarax waxa uu sidoo kale dowlad-degaannada ugu baaqay ,in ay iyaguna kaalintooda kasoo baxaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.