Fana: At a Speed of Life!

Golaha fulinta DDS oo yeeshay kal-fadhiggoodii 12aad ee caadiga ahaa

Addis Ababa,Apr 19, 2021 (Miyasiya 11,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kal-fadhiggani 12aad ee Golaha Hawl-fulinta DDS oo ka dhacay madasha shirarka ee Garaad Maxammed Dool, uuna shir guddoominayey madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa waxaa hor yaallay shan (5) ajende oo kala ah:

1. Ansixinta di-u-habaynta miisaaniyadda 2013-ka T.I.

2. Ansixinta xeer-nidaameedka darajo-siinta magaalooyinka DDS.

3. U-gudbinta baarlamaanka bayaanka aas-aaska Komishinka Shaqo-abuurka DDS.

4. Ansixinta xeer-nidaameedyada aas-aaska afarta shirkadood ee DDS.

5. Ansixinta mashruuca daad-leexinta magaalada Jig-jiga.

Iyadoo si’guud goluhu ay uga doodayeen ajandayaasha kulankani, haddana qodobka “xeer-nidaamka darajo-siinta magaalooyinka DDS” ayaa aad loo falanqeeyay.

Qodobkani oo ah mid lagu kala darajo-siinayo goobaha u qalma in loo dallacsiiyo magaalo iyo darajooyinka lagu xulanayo, si loo helo magaalooyin horumar iyo meeqaam ahaanba la tartama magaalooyinka kale ee dalka, kuwaasi oo lagu soo xulay sida; tirada bulshada ku nool, dakhliga ay soo saarato iyo adeegyada kale ee ka jira.

Sharraxaad iyo talo’bixinooyin ay soo jeediyeen gurigu kaddib, cod-buuxa ayey ku ansixiyeen ajandayaasha marka laga reebo “bayaanka aas-aaska Komishinka Shaqo abuurka DDS” oo ay Golaha Hawl-fulintu isla qaateen in loo gudbiyo Golaha Baarlamaanka DDS.

Kal-fadhiggan waxaa sidoo kale la iskula qaatay qaabkii si’dhow loola shaqayn lahaa guddiga doorashooyinka, maadaama wajiyadii u dambeeyay ee doorashadu ay socdaan, islamarkaasina loo diyaar-garoobo marxalado dhici kara xilliga doorashada.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.