Fana: At a Speed of Life!

Golaha Midnimada Iyo Nabadda DDS oo loo qabtay tababar la xidhiidha xallinta khilaafaadka

Addis Ababa,May 17, 2021 (Ginbot 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xubnaha hawl-wadeennada Golaha Midnimada Iyo Nabadda DDS oo loo qabtay tababar la xidhiidha xallinta khilaafaadka.

Kulankan oo uu soo diyaariyey Xafiiska Nabadgelyada DDS oo kaashanaya hay’adda CR ayaa loogu talo’galay in xubnaha hawl-wadeennada Golaha Midnimada Iyo Nabadda DDS fahan iyo waayo-aragnimo dheeraad ah laga siiyo tabaha si cilmiyeysan loogu xalliyo khilaafyada bulshada, gaar ahaan wakhtiyada doorashooyinka, maadaama odayaasha golahan ku midoobey ay udub-dhexaad u yihiin hannaanka xallinta khilaafaadyada bulshada dhexmara.

Hoggaan ku-xigeenka Nabadgelyada DDS oo kulankan furay ayaa sheegay in loo baahan yahay in xubnaha Golaha Nabadda Iyo Midnimada deegaanka uu kulankani muhiim u yahay, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in ay si habboon uga qeyb-qaataan.

Tababarkan oo soconaya muddo 3 maalmood ah ayaa inta uu socdo waxaa lagu bari doonaa xubnaha ka-qeyb-galeyaasha ah farsamooyinka xallinta khilaafaadka, habka jawaab-celinta iyo qorsheynta ku habboon xallinteeda, taas oo ka caawinaysa in ay si cilmiyeysan u wajahaan xallinta khilaafaadka.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.