Fana: At a Speed of Life!

Golaha sare ee arrimaha Islaamka Itoobiya oo ku baaqay in taageero loo fidiyo dadka barakacayaasha ah

Addis Ababa,DEC 22,2021 (Tihsas 13,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Guddoomiyaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya Mufti Xaaji Cumar Idiris oo shri jaraa’id qabtay ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda uu dalku marayo.

Bayaankan uu soo saaray goluhu ayaa waxa uu ku sheegay in culimaa’udiinka iyo odayaashu ay ku dadaaleen sidii looga hortagi lahaa dagaallada hadda ka socda dalka.

Waxaana uu sheegay dad badani ay ku naf-waayeen dagaalka; Qaar badanna ku barakaceen. waxa kale oo uu xusay in la burburiyay machadyo diineed iyo adeegyadoodii.

Dhanka kale, waxa uu u mahadceliyay shacabweynaha Itoobiyaanka ah ee taageerada la garab taagan barakacayaasha.

Mar uu soo hadal qaaday guulihii u dambeeyay ee dalka laga gaadhay, ayaa waxa uu sheegay in dhammaan goobihii guushaasi laga gaadhay ee la xoreeyay ay dadkii ka barakacay guryahooda dib ugu laaban doonaan, una baahan yihiin dib u dejin rasmi ah.

Waxa uu sheegay in golaha sare ee arrimaha islaamka Itoobiya uu guddi u saaray si ay uga soo warbixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaallada inta uu la egyahay, wuxuuna ugu baaqay shacabka Itoobiya in ay  iskaashadaan.

Sidoo waxa uu goluu sheegay in kaalmo bani-aadannimo la gaadhsiin doono dadka barakacayaasha ah ee ku nool deegaannada Axmaarada iyo Canfarta iyo waliba gobolka Walegga.

Mufti Xaaji Cumar Idiris ayaa waxa uu shirkiisan jaraa’id uu ugu baaqay culumaa’udiinka iyo odayaasha in ay doorkooda ka qaataaan adkaynta nabadda.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah arrimaha Islaamka Itoobiya ay yihiin kuwo aan la aqbali karin oo uu tilmaamay in hay’ado ka tirsan dowladda ay ku lug leeyihiin dhibaatadan, waxaana uu ugu baaqay hay’adaha dawladda ee ay khusayso inay arrintani wax ka qabtaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.