Fana: At a Speed of Life!

Golaha Wakiilada oo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka ganacsiga mustaqbalka ee dalkan Itoobiya

Addis Ababa,Mar 25, 2021 (Megabit 16,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha Wakiilada JDFI ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka ganacsiga mustaqbalka ee dalkan Itoobiya, kaas oo kaabis iyo waxkabedel-na lagu sameeyay xeerkii hore ee waaxda ganacsiga.

Xeerkii hore Ganacsiga ayaa shaqaynayay waqti dheer ,oo ay kaso wareegtay muddo 62 sano hadda laga joogo.

Qodobo ka mid ah Xeerka Ganacsiga oo caqabado ku ahaa nidaamka ganacsiga ayaa wax laga beddelay si loo abuuro jawi ku habboon waaxda, ayaa lagu sheegay munaasabadda.

Saxafi ka hawlgala warbaahinta FBC oo kaqeyb galay kalfadhigan ayaa sheegay in qodobada dib loo eegay ee xeerka ganacsiga ay wax ka bedeli doonaan caqabadaha mudada dheer hortaagnaa in Itooiya ay kamid noqoto Ururka Dalxiiska Adduunka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.