Fana: At a Speed of Life!

Golaha wakiillada JDFI oo maanta yeeshay kalfadhigoodii 11aad ee caadiga ahaa.

Addis Ababa,Mar 23, 2021 (Megabit 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waxa saaka kulan isugu yimi xubnaha golaha wakiillada shacabka ,kaas oo ahaa kalfadhigoodii shaqo sannadeedka 6aad  ee kulankoodii 11aad ee caadiga ahaa.

Waxaana kulankaasi xildhibaannada golaha wakiillada ee maanta uu ka qabsoomay xafiiska Ra’iisal wasaaraha JDFI ,Dr.Abiy Axmed.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa kulankan 11aad ee joogtada golaha usoo jeediyay qorshe hawleedka horumarineed ee 10-ka sano ee soo socda.

Waxa kale oo uu si qoto dheer uga hadlay xaaladda waqti xaadirkan uu dalku marayo.

Mar uu ka hadlayay arrimaha la xidhiidha qaanta lacageed ee dalka lagu leeyahay ,waxa uu sheegay in sannadkii 2010-kii T.I, daynta dalka lagu lahaa ay maraysay heerkii ugu sarreeyay,iyada oo xilligaa ay dawladdu qaadatay mowqif ay ku joojisay deyn dheeraad ah oo ay ka qaadato waddamada iyo hay’addaha caalamiga ah ee deyn bixiyayaasha.

Waxaa kale Ra’iisal wasaaruhu sheegay in wixii ka dambeyay 2010.T.I, ay dawladda federaalkau  ku guulaysatay sidii xaddiga deynta lagu lahaa dalka oo dhammaa 36.6% hoos loogu dhigi lahaa 26.8%.

Dr.Abiy ayaa xusay  in sixir bararka haatan cirka isku shareeray uu qayb ka yahay saamaynta xoogan ee ku timi badeecadaha iyo waxyaaabaha daruuriga ee nolosha bulshada.

Waxa kale oo uu sheegay in dawladda federaalku ay qoondaysay qorshe 80%  ah oo waxa looga qabanayo sicir bararka dhinaca maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga ah ,kaasi oo uu ku tilmaamay in ay sicir bararka ay qayb ka yihiin ganacsatada qaar oo aan bulshada u danaynaynin.

Ra’iisal wasaaruhu waxa kale oo kalfadhigan su’aalo la xidhiidha dhinacyada siyaasada ,dhaqaalaha iyo arrimaha ugaga jawaabay xubno ka mida ah golaha wakiillada JDFI.

Khudbadan oo si toos loogala socday Raadiyaha , Tv-yda iyo baraha bulshada ayaa kuso beegantay xilli ay dalka doorasho ka qabsoomayso horraanta bisha Juun.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.