Fana: At a Speed of Life!

Golaha wakiillada oo ansixiyay miisaaniyad-sannadeedka 2013/2014 oo dhan 561.67 Billion Birr

Addis Ababa,July 05, 2021 (Senee 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha Wakiilladda shacabka ayaa kal-fadhigoodii 4aad ee aan caadiga ahayn , waxa ay ku ansixiyeen hindise miisaaniyadeedka ay golaha wasiirradu usoo gudbiyeen bishii hore ,taas oo dhammmayd 561.67 Bilyan oo Birr.

Guddiga Joogtada ah ee Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Baarlamaanka ayaa sharaxaad faahfaahsan ka bixiyay miisaaniyadda loo qoondeeyay sanad miisaaniyadeedka socda ee  Itoobiya.

Guud ahaan miisaaniyada la soo bandhigay ayaa waxa loo kala qoodeeyay sida tan ,162 bilyan oo Birr ayaa loo qoondeeyay kharashaadka dowlada,183.5 bilyan ayaa iyadana oo loo qoondeeyay kharashaadka caasimada , halka 203.95 bilyan oo Birr-na loogu tala galay miisaaniyada dowlada-deegaannada iyo 12 bilyan oo Birr oo iyana loo qoondeeyay hirgelinta mashaariicda horumarineed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.