Fana: At a Speed of Life!

Golaha wakiillada oo maalinta berri ah yeelanaya kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay ku ansixinayaan xaaladda degdega ah ee dalka lagu soo rogay

Addis Ababa,NOV 03,2021 (Diqimti 24,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Maalinta berri ah waxa lagu wadaa in golaha wakiillada shacabka JDFI, ay ansixiyaan bayaankii ku saabnaa xaaladda degdeg ah ee ay soo saareen golaha wasiiradu.

Sida ay warbixintani sheegayso berri ayaa waxa golaha wakiillada shacabka la horkeeni doonaa islamarkaana marka uu goluhu ka doodo lagu wadaa in uu ansixin doono bayaankii xaaladda degdega ah ee dalka lagu soo rogay kaas oo golaha wasiiiradu ku dhawaaqeen.

Sida uu sheegayo qodobka 93/1 ee dastuurka JDFI ayaa waxa ay golaha wasiiradu soo saari karaan bayaan ku saabsan xaalad deg deg oo dalka la geliyo marka dalka laga soo weeraro dibedda ama ay soo waajahdo xaalad halisgelinaysa nidaamka dastuuriga ah, nooc kasta oo kamid ah masiibooyinka dabiiciga ah iyo halistooda iyo haddii uu soo if-baxo cudur halisgelinaya caafimaadka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.