Fana: At a Speed of Life!

Golaha Wakiilllada oo maalinta berri ah isugu imanaya kal-fadhi aan caadi ahayn

Addis Ababa,July 04, 2021 (Senee 27,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha Wakiillada JDFI ayaa maalinta berri ah ,9-ka subbaxnino yeelanaya kalfadhi aan caadi ahayn ,waxaana kulankoodaasi ka qabsoomaya hoolka shirarka ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Kalfadhigan oo ah kii 4aad ee aan caadiga ahayn ee, sannad hawleedka 6aad, ayaa golaha wakiillada shacabka waxa ay ku ansixin doonaan miisaaniyad sannadeedka 2014.

Kulankan ayaa waxa la filayaa in uu ka qaybgalo ra’iisal Wasaare Abiy Axmed si uu goob joog uga noqdo ansixinta miisaaniyad -sannadeedka 2014.

Sidoo kale kulankan ayaa waxa lagu marti qaadayaa,safiirrada dalalka ,hay’addaha caalamiga ah ,Culumaa’u Diinka iyo marti sharaf kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.