Fana: At a Speed of Life!

Golaha Wakiillaada oo ansixiyay heshiisyo iskaashi milateri ah oo dalkan Itoobiya uu la gelayo waddamada Faransiiska iyo Talyaaniga

Addis Ababa,June 29, 2021 (Senee 22,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha Wakiiladda shacabka ayaa kal-fadhigoodii 16aad ee caadiga ee ay yeeshaan sannadkii 6aad, waxa ay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen heshiisyo iskaashi millatari ah oo dalkan Itoobiya uu la galayo dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga.

Golaha ayaa ka dooday muhiimada heshiisyada iyadoo lagu salaynayo soo jeedinno ka yimid Wasiiru-dowlaha Difaaca Getachew Hailemariam iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Birtukan Ayano.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale, hadda dhowr hay,addood oo dowli ah ka dhageysanaya warbixinta xisaab xidhka sannad misaaniyadeedkii 2012/2013 ,taas oo uu usoo gudbiyay Xafiiska Hanti Dhawrka guud ee Federaalku.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.