Fana: At a Speed of Life!

Golaha Wasiirada Oo Go’aanno Ka Soo Saaray Ajandayaal Kala Duwan

Addis Ababa,DEC 30,2021 (Tihsas 21,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha Wasiirrada JDFI ayaa kalfadhigii saddexaad ee ay yeesheen waxa ay go’aanno kasoo saareen dhaowr arrimood ka dib markii ay xubnaha goluhu afkaaro iska dhaafsadeena arrimahaasi ajandayaasha ee ay wada falanqeeyeen.

Xubnaha golaha ayaa ugu horrayn ka xaajooday hindisaha ama qaraarka dib u habaynta ee bayaanka la xidhiidha Miisaaniyada dheeriga ee dowladda federaalka iyo dib u habaynta daboolista kharashaadka dowladda Federaalka ee miisaaniyadda 2014-ka, kaas oo lagaga duulayay ansixintii golaha wakiillada shacabka ee ahaa in ay meelmar noqoto loogu talogalay  2014-ka oo dhammayd 561.7 Bilyan oo Birr, iyo baahida loo qabo in lagu xisaabtamo isbedellada ku iman kara  Macro Economy-ga ee dalka iyo waliba xaaladdaha soo saaray ee la xidhiidha dagaallada waqooyiga dalka.

Waxaana ay xubnaha goluhu isla meeldhigeen baahida loo waqtixaadirka ee miisaaniyadda dalka ee sannadkan 2014 lagu kabo dhaqaale dheeri ah ka dibna waxa xubnuhu si hindisahooda loo meelmariyo u gudbiyeen golaha wakiillada shacabka.

Waxa kale oo xubnaha golaha wasiiradu ay afkaarahooda ka dhiibteen hindise kale oo dhaqaale kab loogu samayn karo, gaar ahaan dhinaca shidaalka gaadiidka u adeega shacabka iyo adeegyada lagama maarmaanka ah ee dowladda si looga hortago saamaynta sicirka ka dhashay korodhka heerka caalamiga ah ee shidaalka kala duwan,kaasi oo goluhu isku raacay in meelmarka laga dhigo 6 bilood ka dib marka la dhammaystiro daraasadda laga samayn doono arrintaasi.

Qodobada kale ee uu goluhu kalfadhigiisaas kusoo qaatay waxa ka mid ah heshiisyada labada waji ah ee la xidhiidha waxsoosaarka iyo hindise la xidhiidha bayaanka caymiska caafimaadka bulshada iyo ujeedada iyo kaqabadka Rahmadaha ee komishanka maalgelinta Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.