Fana: At a Speed of Life!

Golaha Xildhibaannada DDS oo ansixiyey miisaaniyadda Deegaanka oo ka badan 29 bilyan oo Birr

Addis Ababa,July 19, 2021 (Hamle 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha Xildhibaannada Deegaanka ayaa ansixiyey miisaaniyadda Deegaanka Soomaalida oo ka badan 29 bilyan oo Birr.

Kal-fadhigii 13aad ee Golaha Xildhibaannada, golihiisa 5aad oo maalintiisii 2aad ka socda madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan ayey horyaalleen qorsheyaasha (ajandayaasha) kala ah:

  1. Ansixinta miisaaniyadda S.M 2014-ka T.I.
  2. Ansixinta bayaannada kala duwan:

7.1. Bayaanka dib loo habeeyay ee Xafiiska Hanti-dhawrka DDS.

7.2. Ansixinta bayaanka diwaan-gelinta hantida masuuliyiinta.

7.3. Ansixinta bayaanka shaqo-abuurka.

7.4. Ansixinta bayaanka aas-aasidda Komoshinka Baadhista Tacaddiyada.

7.5. Bayaanka maxkamadaha DDS.

Wasiirka Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS, Mudane Mubashir Dubbad Raage ayaa soo jeediyay miisaaniyadda Deegaanka ee sannad-miisaaniyadeedka 2014-ka.

Wasiirka oo sharaxayey miisaaniyaddan iyo gaabaha ay ka kala timid ayaa waxa uu yidhi; miisaaniyadda guud ee sannadkan waa lacag dhan 29,209,304,471, Toddobo(7) bilyan oo ka mid ah lacagtan waa dakhliga laga soo xareeyay Deegaanka gudihiisa, halka qeybaha kalena ay isugu jiraan deeqo kala duwan oo uu helay deegaanku.

Korodhka miisaaniyaddan ayaa 31% ka badan miisaaniyaddii sannadkii 2013-ka.Xildhibaannada oo ugu horreyn bogaadiyey korodhka ku yimid miisaaniyadda ayaa dhinaca kalena soo jeediyay dhaliilooyin uga muuqda meelaha qaar oo ku talinayeen in la saxo.

Hadalka xildhibaannada kaddib, Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo hadalka qaatay ayaa sheegay in ay dawladdu si siman (caddaalad ah) oo lagu xisaabtamayo qawaaniin iyo daraasaad sax ah lagu gaadhsiin doono miisaaniyadda goob walba oo Deegaanka ka mid ah.

Ugu dambaynna Golaha Xildhibaannada DDS ayaa cod buuxa ku ansixiyey miisaaniyadda sannad-miisaaniyadeedka 2014-ka T.I (Tirsiga Itoobiya).

Kal-fadhigan ayeyna shir-guddoominayaan af-hayeenka Golaha Xildhibaannada DDS, Mudane Malow Ibraahim iyo af-hayeen-ku-xigeenka Marwo Fardawsa Maxammed.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.