Fana: At a Speed of Life!

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya (NEBE) oo Soo saaray awaamiir la xidhiidha Doorashada

Addis Ababa,Sep 26,2021 (Maskarem 16,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Guddiga Doorashooyinka qaranka Itoobiya (NEBE) ayaa soo saaray awaamiir la xidhiidha doorashada ka dhacaysa deegaannada aanay weli doorashadu ka qabsoomin oo uu ka mid yahay deegaanka Soomaaliddu.awiimiirtan ayaa sidan u dhignaa:

Dhammaan xisbiyada iyo shaqsiyadka gaarka u tartamayaba waxa habeennimadii axadu soo galaysay laga Mamnuucay in ay wax olale ah sameeyaan iyaga oo adeegsanaya Warbaahinta tv-yada,Baraha Bulshada,Shirarka Dadweynaha iyo fagareeyasha,Booqashada Guryaha Dadweynaha. ciddii ku kacdana waxa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.

Doorashada Ka dhacaysa Deegaanada Soomaalida Herarida iyo Qaybo kamida Deegaanka Shucuubta Koonfureed ee Itoobiya laga bilaabo maanta oo Axad ah xisbiyada siyaasadeed kama samayn karaan deeganadooda Wax Olole ah.

Sida ay amrayaan Guddiga Doorashooyinka qaranka Itoobiya sidoo kale sharcigu waxaa u qabanaya warbaahinta ama shaqsiyaadka bulshada la wadaaga wax ku saabsan ol’olaha doorashada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.