Fana: At a Speed of Life!

Guddiga fulinta ee xisbiga Barwaaqo oo yeeshay kulan ay kaga arrinsanayeen xaaladda dalku uu marayo

Addis Ababa,Sep 22,2021 (Maskarem 12,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaaraha JDFI ,Dr Abiy Axmed ayaa sheegay in xubnaha guddiga fulinta xisbiga barwaaqo ay isugu yimaadeen kulan looga halayay xaaladda dalku uu ku sugan yahay iyo arrimaha gobolka Bariga Afrika ,gaar ahaana geeska Afrika.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay waxa uu ku sheeg in  arrimaha uu guddiga fulinta ee xisbiga Barwaaqo kusoo qaateen kulankaas ay ka mid yihiin xaaladda amniga iyo nabadgelyada,dhaqaalaha ,siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Waxa kale oo uu Ra’iisal wasaaruhu xusay in guddiga fulinta ee xisbiga ee Barwaaqo uu isla meeldhigay jihooyin cusub oo lagu saxayo gal-daloolooyinka muuqda ee waxqabadyada xisbiga gaar ahaana dhinacyada arrimaha waaqiciga ah ee dalka ee ay kamid yihiin dhinacyada Amniga ,Dhaqaalaha,siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.