Fana: At a Speed of Life!

Guddoomiyaha Golaha kumeel-gaadhka ah ee Suudaan oo soo gaadhay dalkan Itoobiya

Addis Ababa Nov 01, 2020 (Tiqimti 22,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Guddoomiyaha Golaha Kumeelgaadhka ah ee dalka Suudaan Jen Cabdil Fattaax Al-Burhan ayaa saacadihii hore ee saaka soo gaadhay caasimada dalkan Itoobiya ee Addis Ababa.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa markii ay ka soo degeen gegida diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyey Ra’iisal Wasaare Dr.Abiy Axmed.

Labada masuul ee RW Abiy iyo Jen Burhaan ayaa la filayaa in ay ka wada xaajoodaan arrimo khuseeya labada dal iyo gobolkaba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.