Fana: At a Speed of Life!

Guud ahaan deegaanka Somaalida oo maanta looga dareeray codbixinta doorashada 6aad ee qaran

Addis Ababa,Sep 30,2021 (Maskarem 20,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Guud ahaan deegaanka Somaalida ayaa waxa maanta looga dareeray codbixinta doorashada 6aad ee qaran.

waxaana shacabweynaha deegaanka soomaalidu ay saaka u dareereen in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee codbixinta doorashada iyaga oo safaf dhaadheer u galay sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa isagu ka codoyeeyay goob-doorashada xaafadda 4aad ee Maamulka Magaalada Dhagax-buur oo uu ka sharraxan yahay.

“Marka laga tago xisbiyo adag oo nala tartamaya oo aan jirin haddana doorashadani waa mid buuxisay guud ahaanba shuruudihii looga baahnaa oo bulshadu si xor iyo xalaal ah u dhiibanayaan codkooda”, Mustafe Muxummed Cumar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadda kahor aan bulshada lagala tashan jirin cidda matalaysa, doorashooyinkii horena ay ka dhici jireen xeryaha ciidammada, balse ay jiraan ifafaallooyin wanaagsan oo dib awoodda codka loogu celinayo shacabka.

Ugu dambayn, waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay shacabka in ay soo baxaan oo ay maanta codkooda siiyaan murashixiinta ay isleeyihiin way matali karaan bulshada.

Dhanka kale madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo, Inj. Maxammed Shaalle ayaa codkiisa ka dhiibtay goob-doorashada 3aad ee magaalada Doollo-addo ee gobolka liibaan.

Waxaa xusid mudan in masharrixiin madaxa baannaan ay ku loollamayaan doorashada 6aad ee Deegaanka Soomaalida.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.