Fana: At a Speed of Life!

Hawl-fulinta deegaanka soomaalida oo yeeshay kulan lagu qiimaynayo waxqabadka xafiisyada ee sannad-miisaaniyadeedka 2013

Addis Ababa,July 08, 2021 (Hamle 01,2013 T.I (FBC/SOMALI)-waxaa maanta magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaanka Somaalida ka bilaabmay kulan lagu qiimanayo waxqabadkii xafiisyada DDS ee sannad-misaaniyadeedka 2013.

Waxaana kulankaas qiimaynta waxqabadka ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha DDS ,mudane Mustafe Muxumed Cumar,Madaxweyne -ku-xigeenka DDS,mudane Ibraahim Cusmaan,madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo ee DDS ,Eng.Maxamed Shaale,xildhibaannada golahayaasha DDS iyo madaxda gobollada DDS.

kulankan xubnaha hawlfulinta deegaanta soomaalidu ay ku yeeshen magaalada Jigjiga ayaa la filayaa in si qoto loogu gorfeeyo hawlihii u qabsoomay iyo kuwii aan u qabsoomin xafiisyada sannad maaliyadeedka 2013-ka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.