Fana: At a Speed of Life!

Hay’adda gaadiidka ee magaalada Addis Ababa oo bedelaysa in ka badan 10 kun oo noocoodu yahay tagaasida LADA

Addis Ababa,Feb 17, 2021 (Yekatit 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Hay’adda gaadiidka ee magaaladan Addis Ababa ayaa sheegtay in tagaasi cusub lugu bedalayo 10 kun iyo shan boqol oo noocoodu ahaa LADA ,midabkooduna uu ka koobnaa buluug iyo caddaan.

Sida ay warbixintani sheegayso ,tagaasidaasi ayaa soo shaqaynayay muddo ka badan 50 sannadood,waxaana haatan lasoo gebagebeeyay qabanqaabadii loogu diyaargaroobayay bedelkooda.

Madaxa gaadiidka ee maamulka magaaladan Addis Ababa Eng.Sitoota Akal ,waxa uu sheegay in tallaabadan la qaaday ay sababtay baaxada magaalada Addis Aababa oo sii kordhaysa iyo baahida uu dadweynuhu u qabo gaadiidka oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa.

Tagaasidan cusub ee lagu bedalayo kuwii hore ayaa waxa ku baxaysa lacag dhan 6 Bilyan oo Birr ,taas oo laga amaahday bankiga ganacsiga ee Itoobiya(CBE).

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.