Fana: At a Speed of Life!

Hay’adda INSA Oo Fashilisay Weerarro dhanka Internet-ka ah oo laga soo maleegay Masar.

Addis Ababa, June 23, 2020(Senee,16 2012 T.I)(FBC/SOMALI) – Hay’adda Ammaanka shabakadaha Macluumaadka(xogaha) ayaa ku dhawaaqday inay fashilisay weerarro kala duwan oo internet-ka ah oo ay soo maleegeen dambiilayaal jabsada xogaha internetka oo Masaari ah iyaga oo weerar soo qaaday Afar jeer todobaadkan gudihiisa gaar ahaan ,bishan Juun 17, 19, 20 iyo 21-keedii, 2020 iyada looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo Arrimaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalkan Itoobiya.

Weerarka internetka ayaa waxaa soo abaabulay kooxo la yidhaahdo Cyber ​​Hopes Group, Anubis iyo Hacker and security bypass. Sida ay wakaaladu sheegtay.

Dambiilayaasha internetka ayaa sameeyey diyaar garow dheer, waxaana ay isku dayeen weeraro ba’an oo lagu qaado xarumaha gaar ahaan maalmihii Jimcaha iyo Sabtidii oo ay taariikhda ahayd 19,20,2020 ee bishan Juun. sida ay wakaaladu sheegtay.

Kooxda weerarka soo qaaday waxa y isku dayeen inay carqaladeeyaan website- yo(shebakado) ay 13 ka mid ahi ay yihiin hay’adaha dawliga ah  halka Afar kalena aanay dawli ahayn, sida lagu faah-faahiayay bayaanka hay’adda.

Kaabayaasha ICT-ga iyo website-yada xarumaha dawliga ah ee bixiya adeegyada bulshada, ururada ammaanka iyo hay’addaga kale ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay-ba ayaa bartilmaamed u ahaa isku dayga weerarada ee ay soo qaadayaan budh-cada u dhacda xogaha ee laga soo abaabulayo Masar.

Dhanka kale,Kooxda ‘Cyber ​​Hopes Group’, Anubis iyo Hacker Security Bypass ayaa sheegtay mas’uuliyada iskudayada weeraradan waxaana ay qirteen in ujeedkoodu ahaa sidii Itoobiya ay culeys ugu saari lahaayeen arrinta is maan-dhaafka dhalisay ee la xidhiidha abuuxinta biyo-xidheenka

Weerarku wuxuu u horseedi lahaa culeysyo adag oo xagga dhaqaalaha, siyaasada iyo nafsad ahaan-ba oo waddanka ku yimaada haddii hay’addu ay ku guul darreysaysan lahayd la-dagaallanka isku dayada la fashiliyay, ayaa lagu yidhi warbixinta.

Hay’addu waxay ugu baaqaysaa hay’adaha iyo shakhsiyaadkuba in ay hubiyaan ammaanka websiteyadooda (Shebakadahooda) gaar ahaan inta aanay isticmaalin cinwaanadooda.

Hay’addu waxa ay aad ugu mahad celinaysaa shirkada isgaadhsiinta Ethiotelecom iyo Wasaaradda horumarinta iyo Teknolojiyadda ,ka dib gacantii ay ka geysteen fashilinta iyo hortagga weerarrada dhanka internetka ee la soo maleegay .

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.