Fana: At a Speed of Life!

Hoggaamiyayaasha dawladda Suudaan oo kulamo la yeelanaya masuuliyiinta dawladaha Imaaraatka iyo Maraykanka

Ababa Sep 21, 2020 (Maskerem 11,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Wafti heer sare ah oo uu hogaaminayo madaxa golaha talada haya ee Suudaan ayaa u safray dalka Isutaga Imaaraatka carabta si ay wadahadalo gooni gooni ah ula yeeshaan masuuliyiinta Imaaraatka iyo Mareykanka, arrimaha ay ka wada hadli doonaan waxa kamid ah sidii  uu Mareykanku Suudaan uga saari lahaa liiska dalalka maalgeliya argagaxisadda ,sida lagu sheegay bayaan kaso baxay warbaahinta dawladda.

Wakaaladda wararka dowladda Sudan ee SUNA ayaa sheegtay maanta oo Axad ah in Jen Cabdil-Fattaax al-Burhan, oo ah madaxa golaha madaxbanaan ee mas’uulka ka ahaa afgembigii talada lagaga tuuray madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir sanadkii hore, ayaa wadahadallo la yeelan doonaa  masuuliyiinta dawladda  Imaaraadka oo ku saabsan arrimaha gobolka iyo weliba arrimo la xidhiidha Suudaan.

Wetiga waxa kale oo qayb ka ah wasiirka Caddaaladda dalka Suudaan Naser-Eddin Cabdilbari.

Aljazeera

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.