Fana: At a Speed of Life!

Hoggaamiyayaashii Afgembiga ka riday Mali iyo xubno dhexdhexaadiyayaal ah oo kulan yeeshay

Addis Ababa Aug 23, 2020 (Nehaase 17,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Kulan muhiim ah oo ay wada yeesheen hoggaamiyeyaashii riday afgambigii milateri ee dalka Mali iyo dhexdhexaadiyeyaashii ka socday urur goboleedka Galbeedka Afrika ee  (ECOWAS)  islamarkaana u jeedadoodu ahayd sidii xukunka dalkaas loogu so celin gacanta xukuumad rayid ah ayaa maanta lasoo gebagebeeyay .

Wadahadallada ayaa Sabtidii waxaa loo qorsheeyay in ay socdaan 90 daqiiqo, sida ku xusanayd qaraar ay dejiyeen waddamada ku bahoobay dhaqaalaha  Galbeedka Afrika (ECOWAS). Laakiin kulankan ayaa ku dhammaaday  20 daqiiqo oo keliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ma cadda haddii waqtigii wadaxooojoodyada dhinacyada wax laga beddelay ama wadahadalladii la soo gaabiyey.

Afgembigii Talaadadii xukunka lagaga tuuray Madaxweynahii Mali Ibrahim Boubacar Keita waxa cambaareeyay dalal badan oo adduuunka ah laakiin dad badan oo reer Maali ah ayaa dabaaldegay iyada oo muddooyinkii u dambeeyay ay dalkaasi ka oognaayeen kacdoonno hubaysan iyo qalalaase siyaasadeed oo ugu dambayntiina galaafatay xukumadii dalkaasi.

dhanka kale ,Wefti ka socday 15-wadan ayaa horay u gaadhay caasimada Bamako ee Mali, si ay uga wada hadlaan sidii talada loogu soo wareejin lahaa xukuumada rayid afgembigii Keita ka dib.

Reuters

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.