Fana: At a Speed of Life!

hoggaamiyihii mucaaradka ahaa ee u tartamayay doorashada madaxtinnimada dalka Congo-Brazzaville oo u geeriyooday Covid-19

Murashaxii mucaaradka ahaa ee u tartartamayay madaxtinnimada dalka Congo-Brazzaville , Guy Brice Parfait Kolelas ayaa geeriyooday maalinnimadii axada ahayd ee shalay ,kadib markii uu si aad ah u asiibay cudurka Covid-19,xilli ay maanta dorashadu ka dhacayso dalkaasi.

Agaasimihiisii ololaha doorashada ,Christian Cyr Rodrigue Mayanda ayaa maanta u sheegay wakaalada wararka ee AFP ,in Kolelas oo la dhigay cisbitaal uu u geeriyooday COVID-19 ,ka dib markii loo qaaday Faransiiska si loogu soo daaweeyo.

Kolelas “wuxuu ku dhex dhintay diyaaradii caafimaadka ee u timid inay ka keento Brazzaville galabnimadii Axada”, ayuu raaciyay Mayanda.

Muuqaal ku dhex wareegayay baraha bulshada, Guy Brice Parfait Kolelas oo 61 jir ah ayaa la arkayay isaga oo si kooban u siibaya maaskarada loo yaqaan ‘oxygen’ si uu ugu sheego taageerayaashiisa inuu “la dagaallamayo geerida”.Wuxuu ku boorinayay inay u codeeyaan codbixinta Axadda.

Madaxweyne Denis Sassou Nguesso, oo si weyn loogu arko inuu yahay hoggaamiye kali talis ah, ayaa la filayaa inuu markale guuleysto.

Mr Kolelas ayaa seegay ololihi ugu dambeysay ee ololihiisa jimcihii ka dib markii uu maalin ka hor sheegay inuu ka cabsi qabo inuu qabo cudurka duumada, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press.

Maalinnimadii sabtida waxa la dhigay Cisbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal magaalada caasimada ah ee Brazzaville, waxaana markii dambe la xaqiijiyay inuu hayo cudurka loo yaqaan ‘Covid-19’.Isaga oo ku hadlaya luuqadda Faransiiska isagoo sariirta cisbitaalkiisa jiifa, Mr Kolelas wuxuu yidhi: “Walaalahayga qaaliga ah, waxaan ku jiraa dhibaato.

Waxaan la dagaalamayaa geerida. Sikastaba, waxaan idinka codsanayaa inaad u istaagtaan oo aad u codeysaan isbadal. Uma aanan dagaalami lahayn wax aan jirin.”

Si kasta ha ahaatee, hoggaamiyahan mucaaaridka ahaa ayaa u geeriyooday cudurka dilaaga ah ee Covid-19 isaga oo da’adiisu ahayd 61 jir.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.