Fana: At a Speed of Life!

Hoggaanka Falastiin oo soo dhaweeyay go’aan kasoo baxay Biden

Addis Ababa,Jan 28, 2021 (Dir 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Hoggaanka Falastiin ayaa Arbacadii soo dhoweeyey go’aanka maamulka cusub ee Mareykanka uu dib ugu furayo xafiisyada ururka xoreynta Falastiin ee PLO uu ku lahaa Washington, kuwaasi oo uu xidhay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

“Waxaan soo dhoweeneynaa hadalka wakiilka maamulka Mareykanka uu ka jeediyey Golaha Ammaanka QM,” waxaa sidaas AFP u sheegay Jibril Rajoub, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga maamula Falastiin ee Fatah.

“Dib u furista qunsuliyadda Mareykanka ee Bariga Qudus, iyo dib u furista xafiiska PLO ee Washington, iyo go’aanka maamulka Mareykanka uu ku raadinayo xalka laba dal, waa astaamo wanaagsan oo aan soo dhoweeneyno,” ayuu yiri Jibril.

Talaadadii, eregeyga KMG ah ee Washington u fadhiya QM Richard Mills ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden uu doonayo inuu dib usoo celiyo la-macaamilka Falastiiniyiinta.

Biden ayaa sidoo kale damacsan inuu dib usoo celiyo kaalmadii Mareykanka uu siin jiray Falastiiniyiinta ee dhaqaale iyo gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana uu qaado tallaabooyin uu dib ugu aas-aasayo howlgalka diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee Falastiin, ee uu xidhay maamulkii Trump.

Maamulka Trump, oo aad ugu dhowaa kan Israel, ayaa joojiyey lacagtii la siin jiray hay’adda QM u qaabilsan gargaarka Falastiiniyiinta ee UNRWA, wuxuuna xidhay xafiisyadii maamulka ee Washington.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.