Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya iyo bankiga adduunka oo kala saxeexday heshiis lacageed oo ku kacaya $512 Milyan

Addis Ababa DEC 03, 2020 (Hidar 24,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Bankiga adduunka ayaa dalkan Itoobiya gacanta ka geliyay qadar lacageed oo dhan ”$512.5 Milyan” oo deeq iyo dayn isugu jira ,si loogu kaabo barnaamijka badbaadada waxsoosaarka ee dalkan Itoobiya.

Lacagtan  ayaa kala ah $ 312.5 milyan oo deeq ah , halka inta soo hadhayna ay tahay lacag deyn ah.

Heshiiskan lagu kala wareegayay deeqda lacageed ayaa maanta waxa kala saxeexday Wasiirka Maaliyadda dalkan Itoobiya mudane Axmed Shide iyo Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika Ousmane Dione.

Deeqda ayaa waxaa sidoo kale lagu fulin doonaa hirgelinta barnaamijyo aan weli la qorshaynin.

Barnaamijka ayaa waxa sidoo loogu talo galay in ay faa’iideystaan dadka saboolnimada ba’an ay hayso  ee ku dhaqan deegaannada miyiga iyo meelaha ay abaaruhu saameeyeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.