Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya iyo kuuriya oo kala saxeexday heshiis lacageed oo gaadhaya 32 Milyan oo Dollar

Addis Ababa,Mar 23, 2021 (Megabit 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dalkan Itoobiya iyo Wakaaladda Iskaashiga Caalamiga ee Kuuriya (KOICA) ayaa kala saxiixday heshiis deeq lacageeed ah oo gaadhaya 32 milyan oo doolarka Maraykanka ah,taas oo lagu fulinayo saddex mashruuc.

Heshiiskan waxaa maanta kala saxiixday wasiiru dowlaha maaliyada ee dalkan Itoobiya Yaasmin Wahaabraabi iyo Dong Ho Kim, oo ah madaxa dalka ee xafiiska wakaaladda iskaashiga caalamiga ee Kuuriya (KOICA).

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Maaliyaddu, saddexda mashruuc ayaa waxa la hirgelin doonaa shanta sano ee soo socota (2021-2025).

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.