Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo cudurka jadeecada ka tallaashay 14.2M oo carruur ah.

Addis Ababa Jul 25,2020 (Hamle 18,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Wasaarada Caafimaadka dalkan Itoobiya ayaa sheegtay in cudurka Jadeecada laga tallaalay 14.2 Milyan oo Caruur ah saddexdii todobaad ee la soo dhaafay.

Guushan ayaa la diiwaangeliyay iyada oo uu jiro xanuunka faafaha daran ee COVID-19 islamarkaana cadaadisyo xasillooni darro ka gaystay qaybo ka mid ah dalka, ayaa lagu tilmaamay warbixinta.

Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka ee Hooyada, Caafimaadka carruurta iyo Nafaqaynta Dr.Meseret Zelalem oo barteeda Twitterka ku baahisay guushan ayaa tidhi “Shaqaalaha caafimaadka ee dalka oo dhan waa geesiyaal aan waqtigayagii la tebin”

Dr. Meseret ayaa sheegtay in Itoobiya ay fulisay 14,344,285 tallaal oo carruurta ah iyada lagu guulaysatay 96 boqolkiiba qorshahii bartilmaameedka ahaa ee 15-ka Milyan ee carruurta ahaa lagu tallaalayay.

Wadarta guud ee carruurta la tallaaley, waxa 89, 386 laga fuliyay dhowr xero-qaxooti oo dalka oo dhan ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.