Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo dib-u-habayn ku samaynaysa Qunsuliyadaha iyo xafiisyadeeda dublamaasiyadeed ee waddamo dhawr ah oo caalamka ah

Addis Ababa,Sep 14,2021 (Maskarem 04,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisul wasaare ku -xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Demeke Mekonnen ayaa ku dhawaaqay dib -u -habayn lagu sameynayo hawlgalka qunsuliyadda Itoobiya ku metala dalal kala duwan oo adduunka ah.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dib -u -habaynta loo samayn doono si waafaqsan daraasadaha la sameeyay.

Wuxuu caddeeyay in Wasaaradda Arrimaha Dibeddu ay waddo howlo dib -u -habeyn ballaadhan ah si ay kor ugu qaaddo habsami u socodkeeda shaqo.

“In la beddelo muuqaalka diblomaasiyadda ee dalku waa arrin muhiim ah in dib loo hagaajiyo oo kor loo qaado aqbalaadda Itoobiya ee marxaladda caalamiga ah ee matalaadda diblomaasiyadeed ee casriga ah ee sii kobcaysa.

” Daraasado sahan ah oo ay Wasaaraddu samaysay lixdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa si habsami leh loo soo gabagabeeyay, natiijadoodiina waxaa lagu dabaqi doonaa hawlaha dib -u -habaynta iyo hawlaha kale ee muhiimka ah, ayuu yidhi mar uu ka hadlayey tababar toban maalmood ah oo ay qaadanayeen diblomaasiyiintu.

Tababarka waxa ay ujeeddadiisu tahay in wax laga beddelo guud ahaan muuqaalka diblomaasiyadeed ee qaranka si kor loogu qaado danaha qaranka Itoobiya ee fagaarayaasha caalamiga ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.