Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo diiwaangelisay 344kiis oo cusub iyo 13 dhimasho oo feyraska ah.

Addis Ababa July 17,2020 (Hamle 10,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- dalkan Itoobiya ayaa diiwaangeliyay 344 kiis oo cusub oo cudurka coronavirus ka dib markii baadhitaan sheybaadh lagu Sameeyay 7,407 24kii saacadood ee la soo dhaafay.

Warbixinta cusub ayaa ka dhigtay wadarta tirada Covid-19 uu haleelay guud ahaan dalka 9,147 kiis.

Sida ay bayaanka ku sheegtay Wasaaradda Caafimaadku, 13 qof oo dheeri ah ayaa maanta u dhintey feyraska iyada oo tirada dhimashada ay haatan marayso 163 ruux seddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Wadarta guud ee dhimashada cusub, 9 ka mid ah waxaa lagu cadeeyay baadhitaan lagu sameeyay meydadka dadka geeriyooday.

Geesta kale, 86 bukaan oo dheeri ah ayaa sidoo kale ka soo kabsaday (bogsatay) cudurka maalintii u dambeysay kuwaas oo wadarta guud ee bogsashada guud ahaan dalka ka dhigay 4,900.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.