Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo gaashaanka u daruurtay iskudayga ay Masar iyo Suudaan ku wiiqayaan wadahadalada biyo-xidheenka ee Midowga Afrika gadhwadenka ka yahay

Addis Ababa,Apr 07, 2021 (Megabit 29,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Iskudayga Masar iyo Suudaan ee lagu wiiqayo wadaxaajoodka biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD) ee Midowga Afrika gadhawadeenka ka yahay waa mid aan la aqbali karin, ayay sheegtay Wasaaradda Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalkan Itoobiya.

Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta, Dr Seleshi Bekele, ayaa hadalkaasi sheegay mar uu wariyeyaasha uga warbixinayay wadaxaajoodyo saddex maalmood ka hor ka dhacay magaalada Kinshasa ee ee jamhuuriyuada dimoqraadiga Congo (DRC) ,kaas oo uu shir-guddoominayay Gudoomiyaha Midowga Afrika.

Wuxuu sheegay in waqti badan lagu lumiyey istiraatiijiyaddii ay wateen Qaahira iyo Khartuum, si dib loogu dhigo wadaxaajoodyada. Soo jeedintii miiska lasoo saaray ee ahayd in Koonfur Afrika laga saaro kaalinta goobjoogenimo ,waa iska indhotirid lagula kacay xasaanada Midowga Afrika , ayuu yidhi.

Intii ay socdeen wadahadaladii Kinshasa, labada dal waxay raaceen hanaan lagu doonayo in lagu wiiqo xal raadinta uu gadhwadeenka ka yahay Midowga Afrika iyo in arrinta laga weeciyo habka khilaaf-xalinta ee Afrika, ayuu yidhi.

Itoobiya, iyada oo ku kalsoon Wasiirkeeda Arimaha Dibada, waxay si cad u qeexday xuquuqdeeda madaxbanaan ee ah in  si macquul ah oo cadaalad ah u adegsato biyaha Niil-ka iyo in si deg deg ah loo soo afjaro wadaxaajood, ayuu yidhi.

Wasiirku waxa uu ka dhawaajiyay in buuxinta labaad ee keydka biyaha biyo-xidheenka ay sidii loogu talagalay usii socon doonto. Itoobiya waxay filaysa in ismaandhaafka u dhaxeeya saddexda dhinac lagu soo afjaro siddeed toddobaad gudahood.ayuu sii raaciyay

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.