Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo sheegtay in ay soo dhawaynayso xidhiidh ay wada yeeshaan dalka Pakistan

Addis Ababa,Mar 22, 2021 (Megabit 13,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Afhayeen-kuxigeenka aqalka federeeshanka ,Etsegenet Mengistu ayaa kulan la qaadatay safiirka dalka Pakistan u jooga dalkan Itoobiya Shozab Cabaas.

Etsegenet ayaa warbixin ka siisay safiirka xaaladda haatan uu dalku marayo ,marka laga yimaado is dhaafsiga fikradaha (aragtida) ku saabsan xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada dal, kaas oo soo jiray in ka badan 60 sanno.

Waxay sheegtay in Itoobiya ay danaynayso inay xoojiso xidhiidhkeeda dhaqan-dhaqaale, ganacsi siyaasadeed, maalgashi iyo dalxiis ee ay la leedahay Pakistan, sida laga soo xigtay Aqalka Federaalka.

Danjire Cabaas ayaa dhankiisa bogaadiyay isbadalada ka socda dalkan Itoobiya wuxuuna ku nuuxnuuxsaday xiisaha uu  dalkiisu u qabo kor uqaadista xidhiidhka siyaasadeed, dhaqaale iyo ka labada busho ee Pakistan iyo Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.