Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo soo gebagebaysay hannaanka soo dhawaynta ”xujada ballaadhan ee kusoo gurya-noqoshada muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee dalkooda”

Addis Ababa,DEC 23,2021 (Tihsas 14,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Guddiga loo sameeyay u fududaynta xujada ballaadhan ee kusoo gurya-noqoshada muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee dalkooda kusoo laabanaya ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gabagabeeyeen diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu soo dhawaynayo qulqulka faraha badan ee muwaadiniinta Itoobiyaanka ah iyo saaxiibada Itoobiya.

Shir-jaraa’d oo uu shalay qabtay ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Itoobiya Demeke Mekonnen islamarkaana ah Guddoomiyaha Guddigan, ayaa shacabka ku boorriyay in ay aqbalaan xujada.

Guddigu ayaa waxa ay ka doodeen tallaabooyinka la qaadayo si loo fududeeyo hannaanka da-kusoogalka (fiisaha), fududaynta gaadiidka,soo degista huteellada iyo  adeegyada kale ee la xidhiidha si  dadka imanaya dalka ay munaasibaddu ugu noqoto mid ku dareemaan degenaan iyo nasasho .

Guddiga waxay ugu baaqeen qurbajoogta Itoobiya, dadka ka soo jeeda Afrika iyo gobolka Kariibiyaanka, oo ay ku jiraan saaxiibada Itoobiya ee ku kala nool daafaha caalamka, in ay ka qayb qaataan halgankaas oo ay u muujiyaan midnimada shacabka Itoobiya.

Guddiga ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in Itoobiya ay marti galin doonto munaasabado kala duwan oo la xidhiidha xujada ballaadhan ee kusoo gurya-noqoshada muwaadiniinta Itoobiyaanka iyo mudaaharaadyo nabadeed oo lagaga soo horjeedo cadaadiska dibedda ee dalka lagu hayo.

Shirkadaha Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, Ethio-telecom, Hudheelada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladdu leedahay iyo hay’adaha kale ee bixiya adeegyada ayaa hore ugu dhawaaqay qiimo dhimis ay ku sameeyeen adeegyadooda si ay xujadu u noqoto mid soo jiidasho leh.

Xujada ballaadhan ee kusoo gurya-noqoshada muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee dalka ayaa waxa looga gol-leeyahay in  Hal Milyan oo qof ay fasaxa ciidda masiixiga yimaadaan dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.