Fana: At a Speed of Life!

Itoobiya oo xuska maalinta dalxiiska adduunka laga xusayo muddo toddobaad ah

Addis Ababa,Sep 21,2021 (Maskarem 11,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Dalkan Itoobiya ayaa heer qaran ahaan lagu wadaa in deegaanka Sidama uu ku qabto xuska Maalinta Dalxiiska Adduunka oo loo asteeyay in la xuso 17 Maskerem(  27 -ka Sebtember 2021), xuskaas oo uu ku beegan “ciidda Maskel-ka (isku-tallaabta)”.

Xuska maalintan ayaa halku dhig looga dhigay “Dalxiiska iyo kobcinta Loo Dhan Yahay.”

Sida ay warbixint kuso saartay Wasaaradda Dalxiiska JDFI, ayaa waxa  xuska  maalintani uu bilaabmayaa maalinta berri ah oo ay bishu tahay 12/1/2014, si loogu bandhigo dhaqanka soo jireenka ah ee Itoobiys,goobaha taariikhiga ah iyo goobaha indhaqabinka leh ee ku haboon dalxiiska iyo sidoo take tartanka dhanka fanka iyo isboortiga oo iyana lagu soo bandhigi doono munaasibadaas.

Magaalada Hawassa haradeeda ayaa qaran ahaan loo xushay inay noqoto xarunta xuska Maalinta Dalxiiska Adduunka ee sannadkan 2014 (2021)-ka.

Marwo Faa’isa Maxammed, madaxa Xafiiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska Magaalada Addis Ababa aba ayaa sheegtay in si meeqaam sare leh loo xusi doono maalinta dalxiiska adduunka.

Maalinta dalxiiska adduunka ayaa markii 42aad laga xusi doonaa caalamka, halka dal ahaanna la qaban doono markii 34aad.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.