Fana: At a Speed of Life!

Brazil oo diiwaangelisay 1,109 kiis oo u dhintay feyraska koroona iyo 602 dalka Mexico ah.

Addis Ababa june 28,2020 (Senee 21,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Dalka Braziil ayaa diiwaangeliyay 1,109 kiis oo  dheeraad ah kuwaas oo u dhintey cudurka coronavirus-ka maalinnimadan  Axadda ah, halka 602 bukaan oo dheeraad ahina  ay ku dhinteen waddanka Mexico 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Tirada dhimashada ee Brazil ayaa gaadhay 57,070, sida ay sheegtay  Wasaaradda Caafimaadku.

Ilaa 38,693 xaaladood oo cusub ayaa laga soo sheegey Brazil, taas oo wadarta guud ka dhigtay 1,313,667.

Sao Paolo ayaa ah gobolka ugu daran ee uu  ku dhuftay feyrasku, iyada oo 265,581 xaaladood  laga diiwaangeliyay halka 14,263-na ay u dhinteen.

Fayraska ayaa ay u dhinteen 9,789 oo ah dadka ku nool magaalada Rio de Janeiro, halka 108,803 qof ay qabaan cudurka, taasoo ka dhigeysa magaalada labaad ee uu sida xun feyrasku ugu faafay dalkaasi.

Dalka Brazil waxaa lagu tilmaamaa inay tahay xudunta  faafitaanka feyraska ee  Laatiin Ameerika.

Bishii Meey, ugu yaraan 4.2 milyan oo qof ayaa muujiyey astaamo la mid ah COVID-19, sida laga soo xigtay Machadka Juquraafiga iyo Tirakoobka e Brazil.

Dhanka kale ,Tirada kiisaska dhimashada ee Mexico ayaa gaadhay 26,381, sida lagu sheegay xogta Wasaaradda Caafimaadka dalkaaasi.

Tirada kiisaska ayaa kor u dhaafay 212,802, marka lagu daro 4,410 24-kii saac ee la soo dhaafay.

In ka badan 498,000 oo qof ayaa feyraska u  dhintay ugu yaraan 188 waddan iyo gobollaba tan iyo markii uu fayrasku ka soo if- baxay Shiinaha bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

Geesta kale dalalka Mareykanka, Braziil, Ruushka, iyo Hindiya ayaa ah waddamada ugu daran ee uu feyrasku saameeyay adduunka.

In ka badan 9.9 milyan oo kiis ayaa laga diiwaangeliyay adduunka oo dhan, iyada oo dadka ka bogsaday ay  kor u dhaafeen 5 milyan, sida lagu sheegay xogta Jaamcada John’s Hopkins.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.