Fana: At a Speed of Life!

Kooxda Liverpool oo ku guulaysatay Horyaalkii Dalka Ingiriiska.

Addis Ababa june 26,2020 (Senee 19,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Kooxda kubada cagta Liverpool ee Horyaalka Ingiriiska (Premier league-ga) ayaa loo caleemo saaray horyaalkii dalkaasi,ka dib muddo 30 sannadood ah oo uu ugu dambeeyay ku guulaysiga horyaalka Ingiriiska ,markii ay dhimatay rajadii yarayd ee laga qabay in Liverpool culayska lagu sii hayo ilaa kulamada u dambeeya.

Lkn wax waliba waxa ay is bedeleen markii kooxda kaalinta 2aad ku jirtay ee Manchester City ay 2-1 ku garaacday kooxda Chelsea oo marti loogu ahaa garoonkeeda Stanford bridge.

Liverpool ayaa u dabaal degtay horyaalka markeedii 19aad iyo keedii kowaad tan xilligii loo bixiyay Horyaalka dalkaasi magaca “premier league-ga”,oo ay kasoo wareegtay muddo 30 sannadood ahi.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.