Fana: At a Speed of Life!

Kulan lagu qiimaynayay Bankiga Ganacsiga Itoobiya, qaybihiisa Deegaanka Soomaalida oo kadhacay hoolka shirarka Garaad Maxamed Dool.

Addis Ababa,Mar 19, 2021 (Megabit 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta sare ee bangiga ganacsiga Dalka, gaar ahaan kuwa kahowlgala Deegaanka Soomaalida, ayay ujeedadiisu ahayd qiimayn lagu samaynayo geedi-socodka shaqo ee bangiga kadib saluug baddan oo kayimid dhinaca shacabka oo kudhaliilaya bangiga in shaqooyinkii loogu talogalay uusan kahaynin Deegaanka.

Kulankani waxaa shirgudoon ka’ahaa Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo ay kuweheliyaan qaarkamida masuuliyiinta Deegaanka.

Bangiga ayaana loosoo jeediyay dhibaatooyinka ay shacabka iyo ganacsatadu ka cabanayaan oo ay kamid yihiin.

1.Dalka waxaa la go’aamiyay in 50,000 oo birr kaliya la’la bixi karo, Maxaa Deegaanka kali kaga dhigay in 5,000 ka badan aan qofka loo ogalaanin.?

2.Shaqaalaysiinta uu bangigu sameeyo waa mid hoos-hoos ay u sameeyaan Maxaa kalifay.?

3. ATM ka Deegaanka meelo ka’baxsan Bangiyada hortooda lagama helo.! xataa kuwaas ma shaqeeyaan.! Maxaa sababay.?

4. Dadka mac’miilka u,ah bangiga 80% Af-soomaali kaliya ayay yaqaanaan. shaqaaluhuna 99% Af-soomaali ma yaqaanaan. Maxay kudhacday.?

Masuuliyiinta bangiga ayaana sheegay in ay saxayaan eedeymaha kaga imanaya dhinaca shacabka oo dhan.

Waxayna sidoo kale sheegeen in laanta Deegaanka Soomaalidu ay hada noqotoy mid madax banaan.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.